Bixi Lacag Yar — Oo ku Imow Turkiye Si Fudud!

Sida Aan U Caawino Ardayda Soomaaliyeed

SomApply waxay si toos ah kaaga caawinaysaa bilow ilaa dhamaad laga bilaabo codsiga jaamacadda, helida visaha, ka soo dhoofida dalkaaga (ticket), ilaa aad si nabad ah uga soo degto dalka Turkiye.

Ardayga soomaliyeed ee awooda inuu ku imaado turkiga lacag yar oo uu awoodo, ayay dhiig miirato isbaaro udhigatay ayagoo ka qaadaya lacago badan , sidaan baahida u haqabtirno Somapply waxay kuu haysa wado fudud oo aamin ah oo aad ku imaan karto turkiga adigoo aan lacag badan bixin.

Dhoofinta & Kaalmaynta Dhammaan Gobollada

Haddii aad joogto dalka gudihiisa ama dibaddiisa, adeega SomApply waa kuu diyaar

🇸🇴

Soomaaliya

Mogadishu, Hargeisa, Garowe & dhamaan gobolada

🇪🇹

Itoobiya

Addis Ababa & Deegaanka Soomaalida (Jigjiga)

🇰🇪

Kenya

Nairobi, Garissa & dhamaan gobolada

🇸🇴

Somaliland

Hargeysa, Burao, Berbera & deegaanada kale

🇸🇦

Sacuudi Carabiya

Riyadh, Jeddah & dhamaan magaalooyinka Sacuudiga

Tallaabooyinka Aan Kuu Marinayno (A-Z)

Wada-shaqayn dhow oo aan kugu caawin doonno helida Fiisaha iyo Deegaan barashada Turkiye

1

Codsiga Jaamacadda & Aqbalaada Tooska ah

Waxaan kaa caawinaynaa inaad hesho aqbalaad jaamacadeed oo dhab ah (Government ama Private) iyadoo lagu leeyahay qiimo aad u jaban oo ku habboon jeebka qofka soomaliga ah.

2

Siinta talaabooyinka kuu sahlaya Qaadashada Fiisaha

Waxaan ku siinaynaa tilmaamo cad oo ku saabsan sida loo diyaariyo dukumiintiyada qunsuliyadda/safaaradda (Mogadishu, Nairobi, Addis Ababa, Jeddah) si aad fiisaha waxbarashada si fudud ugu hesho.

3

Soo dhaweynta ardayga cusub (Vip)

Marka aad ka soo degto garoonka diyaaradaha ee Turkiye, waxaan kuu diyaarinaynaa adeeg soo dhaweyn VIP ah oo ay ku jiraan gaadiid gaar ah, hagitaan, iyo taageero si aad si nabad ah ugu tagto hoygaaga ama jaamacaddaada.

4

Deegaan Siinta (Accomodation) (Vip)

Waxaan kuu diyaarinaynaa hoy ammaan ah oo habboon sida daakhiliyada jaamacadda (YURT) ama guryaha ardayda si aad markiiba u degto iyadoo la daryeelayo amnigaaga.

5

Diiwaangelinta Final-ka & Sharciyada (Ikamet)

Waxaan kugu wehelinaynaa talaabada u dambaysa ee jaamacadda (Final Registration) iyo samaysashada sharciga deegaanka ardaynimo ee Turkiye (Student Residence Permit / Kimlik).

Diyaar Ma U Tahay Inaad Biloowdo?

Nagala soo xiriir WhatsApp si aad u hesho la-talin bilaash ah iyo qaabka ugu dhow ee aad codsigaaga ku bilaabi kartid.

Nagala soo xiriir WhatsApp (+90 552 790 72 94)